Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan Beenaale ku tilmaamay Madaxweynihiisa oo la xiray iyo Hadal heyn ka dhalatay !

Xildhibaan Jean-Bosco Assamba oo katirsan Baarlamaanka dalka Cong DR, ayaa loo xiray dhaleeceyn uu u jeediyay Madaxweynaha dalkaasi , waxaana dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaasi.

Jean-Bosco Assamba, oo kamid ah Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaa nka Congo DR ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Felix Tshisekedi, uusan waxbo ka qaban xaalada amaan daro ee kusoo korortay Bariga Dalka Congo, waxa uuna Madaxweynaha ku sifeeyay Beenaale.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale Muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay si kulul wax uga sheegay Madaxweynaha Congo DR taa oo keentay in Madaxweynaha ka carooday dhaleeceynta iyo gefka uu u geestay Xildhibaanka.

Ciidamada Sirdoonka Congo ayaa xiray Xildhibaan Jean-Bosco kadib markii uu ka biyo diiday in uu tago saldhig booliis oo looga yeeray, waxaana xildhibaanka ku socda baaritaano ku aadan hadalada gefka ah uu u geestay Madaxweynaha.

Talaabadan lagu xiray Xildhibaankan dhaleeceeyay Madaxweynaha Congo DR ayaa hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Congo, waxa ayna dad badan Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu caburinayo siyaasiyiinta aragti ahaan kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/A0Umxc_JhQA

Related posts

Trump oo Aqalka cad kusoo dhaweeyay Baadari 2 sano ku xirnaa Turkiga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Furaha Kacbada oo shakhsi cusub lagu wareejiyay kaddib geeridii Sheikh Saalax Al Shaibi

Cabdi Cade

Askari saakay dil iyo dhaawac Muqdisho ugu geestay dad shacab ah oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---