Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo War ka soo saartay xaalad ka dhalatay dagaalkii ka dhacay Wisil

Xafiiska Qaramada Midoobay arrimaha bani’aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kooban ka soo saaray dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

OCHA ayaa sheegtay in dagaalkaasi oo khasaare geystay ay ku barakaaceen kumanaan ruux oo shacab ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi ay soo wajaheen daruufo nololeed iyo hoy la’aan, waxaana ay shaacisay inay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah.

Warbixinta hay’adda OCHA ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah ee dushooda lagu dagaalamay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar culus shalay ku qaaday xero Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Wisil, ee gobolka Mudug.

Askartii iyo dadkii shacabka ahaa ee dagaalkaas uu dhaawaca kasoo gaaray ayaa la keenay magaalada Muqdisho kuwaasoo dowladda Soomaaliya sheegtay in caafimaadkooda ay damaanad qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Turkiga oo Duqeyn ku dilay dad Dalxiisayaal ah iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Beled-weyne waa beylah, dadkeeda loogu dayacay iney daadadku Qaadaan”

Caydiid Ali

Kooxda TPLF oo shuruudo adag ku xirtay aqbalida xabad joojinta Abiy Ahmed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---