Guddoomiyaha baarlamaanka ee Iran ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax xog ah oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerkeeda u gudbin doonin hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ee IAEA kadib markii uu meesha ka baxay heshiiskii ku saabsan arrintaas ee hay’adda kala dhexeeyay.
Wuxuu sheegay in Iran aysan hay’adda u gudbin doonin sawirrada ku saabsan warshadaha nukliyeerka Iran.
“Heshiiska wakhtigii uu ku ekaa waa laga soo gudbay, xogta la hayo ee ku aadan nukliyeerka looma gudbin doono hay’adda IAEA, sawirrada laga soo qaaday warshadaha nukliyeerka waxaa gacanta ku sii heyn doontaa dowladda Iran” ayuu yiri Maxamed Baqir Qaalib, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.
“Waxaan idiin xaqiijinayaa in heshiiskii oo ku ekaa saddex bilood haatan laga soo gudbay, markaa xogta kuma wareejin doono hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ee IAEA” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka, sida ay ku warrantay wakaaladda dowladda Iran ee Fars.
Sharcigan waxaa looga golleeyahay in dowladda lagu cadaadiyo sidii ay u xoojin laheyd barnaamijka Uranium-ka iyo sidii loo xaddidi lahaa kormeerayaasha ka socda Ha’yadda caalamiga ah ee atoomikada inay tegaan warshadaha nukliyeerka laga bilaabo 23-dii bishii Febraayo.
Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) waxay cabasho ka muujisay in Iran aysan dooneyn inay tixgeliso dalabkeeda ah in wakhti dheeraad ah lagu daro heshiiska.
Iran waxay Arbacadii sheegtay in codsiga uga yimid hay’adda ay go’aan ka gaari karaan oo kaliya ah golaha amniga qaran ee kacaanka Iran.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken wuxuu Jimcihii sheegay in haddii Iran ay ku guuldareysato in hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ay muddo ugu kordhin weyso heshiiska kala dhexeeyo uu ka dhalan karo walaac xooggan oo ku aadan in arrinta laga yeesho wadahadallo wax ku ool ah.
Hadalka kasoo baxay Iran waxay saameyn ku yeelan kartaa wadahadallada quwadaha waaweyn ay caalamka ku doonayaan in dib loo soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iran sanadkii 2015-kii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com