Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo sheegay in Kim John-un uu ogolaaday qodob xasaasi ah oo uu bandhigay

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Kim Jong-un go’aansaday in Kuuriyada Woqooyi nukliyeerka tirtirto oo loogu bedelo damaanad nabadgelyo.

Kulankii uu kula yeeshay Kim dalka Singapore ka dib ayaa Trump sheegay in hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi aqbalay in uu burburiyo xarun wayn oo gantaalaha lagu tijaabiyo taas bedelkeedana uu Maraykanku soo af-jaro colaadii uu ku hayey Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd mid lagu tilmaamay in ay ahayd daandaansi khasaare dhalin kar.

Laakiin Trump waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan Kuuriyada Koonfureed intii muddo ah. Waxaanu sheegay in sidoo kale cunoqabataynihii saarraa Pyongyang sidoodii ahaan doonaan, laakiin la qaadi doono marka Kim fuliyo ballanka uu qaaday.

Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu joojin doono dhoolatusyada milatari ee ay sida wadajirka ah u sameeyaan K/Koonfureed.

Wuxuu sheegay inay yihiin kuwa qaali ah. Wuxuu sheegay in K/Waqooyi ay u arkaan dhoolatusyadaasi kuwa daandaansi ah

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jung-un ayaa dalkiisa dib ugu laabtay markii uu la kulmay Donald Trump.

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xil haya la kulma hogaamiye dalka Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka gobolka Banaadir oo xiray xarun ku taalla Muqdisho, shaqsiyaad joogayna xir-xiray

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo dhigiisa C/qaadir Kaamil Max’ed (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso War Murtiyeedka kasoo Baxay Shirkii Golaha Amniga Qaranka ay ku yeeshayn magaalada Baydhabo(Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---