Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Qoor Qoor oo isbitaal ku booqday Dhaawacyadii Wisil (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay weerar Alshabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhaqaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen Alshabaab.
Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay iska difaaceen weerarkii Al Shabaab, waxa ayna xuseen ciidamada iyo shacabka soo dhaawacmay in heli doonaan daryeel caafimaad.
Al Shabaab ayaa shalay subax weerar is qarxin ku bilowday ku qaaday deegaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la bada dhinac soo kala gaaray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacag badan oo lagu bixinayo la kulanka iyo in aad Sawir la gasho David Cameroon

admin

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay guusha diblomaasiyadeed ee Somalia ka gaartay Q/Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---