Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhiga Somalia & Brig. General Pietro Addis?

Wasiirka cusub ee Wasaaradda gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed Brig. Jen.  Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga xilka loo magacaabay, iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay Saraakiisha midowga Yurub dardargelinta taageerada ay siiyaan ciidanka Xoogga Dalka sida tababarada, qalabeynta iyo talooyinka ku aadan arrimaha ciidamada.

Brigader Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka, wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka inay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Midowga Yurub waxay dardar geliyeen taageerada ay siiyaan ciidanka Xooga Dalka, dhinacyada tababarada ciidanka, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Murtiyeed Xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Madaxda Maamul goboleedyada ee Kismaayo ka socday (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Faah-Faahiyey U Diyaar-Garowga Caabuqa Caronavirus (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo Cadaan ah oo bad baadiyay ciidamo Soomaali ah oo doon la degtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---