Maamulka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inaysan qeyb ka heyn shirka Muqdisho uga furmaya golaha wadatashiga qaranka, kaasoo uu iclaamiyay Raisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal kasoo baxay Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay in wixii kasoo baxa shirka wadatashiga qaran aysan quseynin maamulka Hirshabeelle, balse ay dhowri doonaan fulinta heshiiskii17-kii September iyo kii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho.
Warkan kasoo baxay Hirshabeelle ayaa iku soo beegmay iyadoo maanta lagu waday inuu furmo shirka madasha qaran oo ay diyaar u yihiin ka qeybgalkiisa Madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Sida ay ogaatay Allbanaadir Online arrintan ayaa loo sababeynayaa Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo la sheegay inuu dareemay quursi siyaasadeed iyo lagu yareysanayo maqaamkiisa siyaasadeed.
Cali Guudlaawe oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa la sheegay inaan lagu casuumin ka qeyb galka shir aalada Zoomka ku dhexmaray todobaadkii hore RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada kaasoo lagu go’aamiyey shirka maanta lagu waday inuu ka furmo Muqdisho.
Kulankaas ayaa sidoo kale lagu go’aamiyey ajendayaasha shirka, kaasoo Cali Guudlaawe aan sidoo kale lagala tashan, waxayna arrintaas sababtay in Madaxweyne Guudlaawe uu dareemo in laga soo qaaday qof aan saameyn laheyn oo ku gowracan go’aanada ay gaaraan xubnaha isaga la mida ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka carooday markii afhayeenka Xukuumada Somalia uu shaaciyey xalay in shirka golaha wadatashiga Qaran uu maanta furmayo, iyadoo Cali Guudlaawe uu ka maqan yahay dalka, taasoo soo dedejisay inuu qaadaco ka qeyb galka shirkan.
RW Rooble ayaa baajiyey shirkii maanta ka furmi lahaa Muqdisho, arrintan soo korortay awgeed, waxaana socda dedaalo xoogan oo Cali Guudlaawe loogu qancinayo inuu ka laabto go’aanka uu shirka ku qaadacay, kuna soo laabto Muqdisho si uu shirka uga qeyb galo.
Cali Guudlaawe ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasi xasiloon oo aan looga baran xaalad abuurka iyo khilaafaadka, waana taas sababta keentay in la fududeysto oo aan lagala tashan arrimaha socda qaarkood, waxaana Rooble lagu eedeeyaa inuu inta badan aad u tixgeliyo madaxda Puntland iyo Jubbaland oo looga bartay iney ka hor yimaadaan DF.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com