sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 1977-dii xoriyaddiisa ka qaatay Faransiiska ayaa waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusayo maalintaasi ay ka socdaan dalkaas.
Munaasabaddaan oo ah mid sanadle oo lagu soo bandhigo halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda ayaa xilligaan ku soo beegantay markii shanaad ee xilka madaxtinimada dalka Jabuuti uu ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Geelle ayaa munaasabad ka dhacday Madaxtooyada dalkaas salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaasm isagoo dhagax dhigay taalada xoriyada magaalada Jabuuti.
Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afrika,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.
Afti dadweyne oo la qabtay 8-dii May 1977-dii dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani, waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay Madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com