Allbanaadir.com
NEWS

Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey degaanka Baar-sanguuni

Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta waxay ku shacisay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo dagaalyahan kooxdaas ka tirsanaa oo maalmo ka hor isku qarxiyey xero ku taalla degaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Xerada ayaa waxaa degenaa boqolaal askari oo iskugu jira ciidamada Jubbaland, Kenya iyo kuwo Maraykan ah  oo Al-shabaab ka qabsaday degaanka Baar sanguuni oo 45-km woqooyi kaga toosan magaalada Kismaayo.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha codka al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu fuliyey dagaalyahan lagu magacaabi jiray Yuusuf Cumar Cali (Foorto) kaasoo ahaa nin 24 sano jir ah oo ka dhashay beesha Wacdaan Cusmaan.

Al-shabaab ayaa sidoo kale baahisay cod laga duubay ninkan weerarka ka hor kaasoo uu ku sheegayo inuu naftiisa u hurayo wax uu ugu yeeray dabar goynta cadowga ALLE sida uu yiri.

Saraakiisha al-shabaab ayaa sheegay in qaraxaas oo lagu fuliyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay xeradaas lagu dilay 50 askari, iyadoo ciidamada Jubbaland  ay dhankooda sheegeen in qaraxaas ay fashiliyeen uusana geysan khasaare weyn, mana jiraan warar ka madax banaan labada dhinac oo ka hadlaya khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo soo fara geliyey Xiisada ka dhex aloosan Shiikh Shariif & Madaxda DF

Caydiid Ali

Fursad Qaaliya! Dugsiga Amiin Quran Online oo arday cusub dinwaangalinaya bishan September.

Cabdi Cade

Somaliland oo aqbashay codsi kaga yimid Ra’isul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---