Booliska Sweden ayaa xiray nin da’diisa lagu sheegay 70 sano jir oo lagu eedeeyay Kufsiga Haweeney ka mid aheyd bukaanka ku jira isbitaalka Karolinska.
Jonas Bergendahl oo ah xeer ilaaliyaha qaabilsan baaritaanka kiiskan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xirtaanka ninkan lagu eedeeyay falka kufsiga ah.
Sida uu ku waramayo Wargeyska Expressen Haweeneyda ayaa isbitaalka ugu jirtay xanuunka dhanka murqaha ah oo awood dari iyo heerka cunada oo ku liidatay.
Booliska ayaa go’aamiyay inay xiraan ninkan inta lagu guda jiray xiliga fasaxa ee Midsommer isagoo kasoo baxay goobta shaqada.
Ninkan da’da ah ee loo heysto kufsiga ayaa la sheegay inuu horay ugu eedeysnaa arrimo dhanka Daroogada ah, waxaana la soo taagi doonaa Maxkamad sida Boolisku sheegeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com