Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo fariin Muhiim ah u diray shacabka iyo dowlada Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray hambalyo ku aaddan sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalkii ay ku bixiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halgankii gobanimo doonka ee walaalaha Jabuuti, taas oo ka turjumeysa is garab-taagga walaalnimada iyo naf-hurnimada leh ee ka dhexeeya labada dal.

“Sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti waa mid farxad gaar ah u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, maadaama ay kaalin weyn ka soo qaateen helitaanka gobanimadooda, si ay xor uga noqdaan gumeystihii Faransiiska”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti in ay adkeystaan isku duubnidooda iyo midnimadooda, waxa uuna alle uga baryay baarwaaqo, nabad waarta iyo horumar ka sii ballaaran mid ay haatan haystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeyay ee kulamadii xasaasiga ahaa ee Kasocday Dhusomareb,iyo dilkii ka dhacay Muqdisho iyo Warar kale !!

admin

(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo tacsi u dirtay shacabka & dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

Iiraan oo qarka u saaran iney si toos ah u gasho dagaalka looga soo horjeedo Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---