Allbanaadir.com
NEWS

Bilicda Xeebta Sugunto Liido ee Muqdisho oo dib loo soo celinayo (Daawo Sawirada)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta bilaabay Olale Nadafadeed oo dib loogu soo celinayo Bilicda xeebta suganta Liido ee kutaala degmada Shangaani, si xeebtaasi u noqoto meel bulshada tagto waqtina ku qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Olalahan nadaafadeed ee lagu soo celinayo bilicda xeebta suganta Liido.

Cumar Filish ayaa sheegay in ololahan nadaafadeed ugu gon leeyihiin sidii loo soo celin lahaa bilicda xeebtan oo nadaafad daro baahsan ka muuqato, waxa uuna xusay in maamulka gobolka ka go’an tahay in dib loo soo celiyo bilicda goobaha muhiimka ah.

Xeebta Sugunto Liido ee kutaala degmada Shangaani ayaa noqotay meel aan nadaafad laheyn oo inta badan bulshada aysan tagin, waxaana ololahan nadaafadeed kadib la filayaa in xeebtaasi dadka Muqdisho u dabaal tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacagihii Canshuuraha ee laga qaadi jiray guryaha kuyaalla Muqdisho oo Amar lagu joojiyay

Cabdi Cade

Xamse oo la kulmay wasiiro ka socday Dowlad goboleedyada dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi & danjire Keating oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---