Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Wisil iyo Khasaaraha ka dhashay

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Wisil ee Gobolka Miudug.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka saldhiga, waxaana qaraxa kadib xerada weerar ku qaaday dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Dagaal xoogan oo socday mudo saacad ka badan ayaa dhax maray ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana dagaalka labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in mudo kooban gacanta ku dhigeen qeybo kamid ah deegaanka Wisil balse markii dambe laga saaray, waxaana dagaalka labada dhinac dhax maray ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Galmudug iska difaaceen weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna xusay wasiirka in deegaanka laga saaray kooxdii weerarka soo qaaday.

Waxa uu sheegay wasiirka in uu jiro khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidanka iyo shacabka Wisil, waxa uuna xusay in ay wadaan baaritaano, waxa uu sidoo kale sheegay in Al Shabaab weerarka ay soo qaadeen lagu gaarsiiyay khasaaro xoogan.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Wisil, waxa ayna sheegeen Al Shabaab in weerarka ku dileen in ka badan 30-askari oo katirsan ciidamada Galmudug iyo kuwa milatariga Soomaaliya sidoo kale furteen hub.

Xaalada Deegaanka Wisil ayaa hada lagu soo waramayaa in ay degan tahay ayna gacanta ku hayaan ciidamada Galmudug iyo kuwa milatariga oo is garabsanaya, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo ay amaanka ku xaqiijinayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo badan oo katirsanaa kooxda Wagner oo lagu laayay dalka Ukraine

Cabdi Cade

Maxay tahay sababta loogu guuleysan waayey howlgalada Sh/hoose? (Warbixin)

Caydiid Ali

Heshiis ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---