Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaali ah iyo Saaxiibkeed oo loo xiray Afduubkii Xafsa Luqman (Sawirro)

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa howlgal ay fuliyeen kusoo qabtay gabar Soomaali ah iyo nin la sheegay in saaxiib laheyd kuwaa oo ka dambeeyay afduub dhawaan Nairobi loogu geestay gabar Soomaaliyeed.

Baarayaasha dowlada Kenya ayaa soo xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduub iyo jirdil maalmo kahor magaalada Nairobi loogu geestay Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar ganacsato ah.

Qooraal kasoo baxay booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka kasoo qabteen hotelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop labo eedeesane oo lagu kala magacaabo Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah.

“Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, Jackson iyo Xafsa Cabdi waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.

Booliiska ayaa sheegay in gabadha Soomaalida iyo ninka kale ee ka dambeeyay afduubka uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl , kooxdan afduubka geesatay ayaana dalbaday lacag madax furasho ah inkastoo aan la siin lagana soo bad baadiyay gabadhii ay afduubteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Madaxweyne Xassan Shiikh ka yiri weerarkii ka dhacay Beled-weyne?

Caydiid Ali

Dekeda Muqdisho oo markii ugu horeysay shaqo bilowday xili habeen ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo lacago cusub dul dhigay Madaxda sare ee kooxda Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---