Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Sawirro) Booliska Somaliland oo xirxiray dhalinyaro ku dabaaldegtay calanka Somalia

Ciidamada Booliska Magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro ku dabaaldagay calanka Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu gaareysay qiyaastoo 70.

Dhalinyaradan oo iskugu jiray hablo iyo wiilal ayaa iska duubay Muuqaalo aad loogu  faafiyey baraha bulshada iyagoo u dabaaldagayey saaka xuska 26 June, kuna lebisnaa calanka buluuga ah ee Somalia.

Waxay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah magaalada Boorama iyagoo sameynaya dabaaldegyo la xiriira munaasabada 26-ka Juun.

Ciidamada Booliska Somaliland saldhiga Boorama oo arrintaas ka war helay ayaa soo gaaray goobta, kuwaasoo la sheegay iney gaari ku qaateen qaar ka mid ah dhalinyaradan, xabsigana u taxaabeen, Welina booliska wax war ah kama soo saarin dhacdadan.

Maamulka Somaliland ayaa degaanada hoostaga ka mamnuucay in lagu dhex calanka Somalia ama labis iyo astaamo laga sameeyey, waxaana horey degaanada maamulkaas loogu xiray dad arrimaha noocan ah lagu eedeeyey.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhan Omar oo ka guuleysatay weerar Siyaasadeed oo lagu soo qaaday

Cabdi Cade

Wasiir Shaaciyay in ansixinta Dastuurka meesha ka saareyso Musharaxiintii Shisheeyaha wateen

Cabdi Cade

NISA oo shaacisay in uu is casilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---