Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Siciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta Doorashadda, shirkan ayaa waxaa iclaamiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa horey usoo gaaray Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa iyana saacadaha soo aadan la filayaa in Muqdisho soo gaaraan madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dhambaal laga siday Madaxweyne Xassan Shiikh oo la gaarsiiyey Amiirka Qatar

Caydiid Ali

DEG DEG: Dowlada Somalia oo taageero Siyaasadeed u muujisay waddanka Shiinaha

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Aadan Madoobe iyo danjire Ibrahim M. Yagli? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---