Waxaa maanta qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay la socdeen wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed gallan iyo masuuliyiin kale xili ay kormeer ku jireen.
Sida aan wararka ku helnay Wasiir Galan ay wehliyeen  taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa xiliga qaraxa miino loo dhigayay kormeerayay deegaanka Balli-dhidin ee degmada Qandala.
Qaraxan miino ayaa la sheegay in ay ka badbaadeen Wasiirka Amniga Puntland iyo masuuliyiintii kale ee la socotay, waxaana qaraxa ku dhintay hal askari oo kamid ahaa ilaalada masuuliyiintan halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.
Wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ciidamada amaanka Puntland ay wadeen howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen kooxda Daacish.
Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira kooxaha Daacish iyo Al Shabaab ee ka dagaalama deegaanada buuraleyda, waxaana Puntland marar badan weeraro ku qaaday goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanadan kasoo horjeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com