Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda amniga Xukuumada Soomaaliya oo amaro cusub soo saartay

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa soo saaray awaamiir ku aadan in cid walba oo qabaneysa shirar laga doonayo inay warqad fasax ah ka heysato maamulka gobolka ama Wasaaradda Amniga.

Ducaale ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay u dhega nuglaadaan awaamiirta dowlada si loo helo kala dambeyn.

“Goobaha mar kasta lagu shiro iyadoon fasax la haysan waa mamnuuc waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in looga baahan yahay muwaadin kasta inuu danta guud ka hormariyo danta gaarka ah taasoo uu sheegay iney tahay arin u baahan in mudnaan la siiyo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili maanta dowlada Somalia ay shaacisay in howlgal xalay ciidamada amaanku ka fuliyeen magaalada Muqdisho lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u mucaaradsan dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo kulan qarsoodi ah la qaatay xubno ka tirsan TPLF

Caydiid Ali

Dacwado la xiriira afar dambi oo lagu soo oogayo Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare lagu soo oogayo dilka Madaxweynihiisa iyo Xanibaad lagu soo rogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---