Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Laftagareen ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey Wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha bulshada.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.
Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la filayaa iney galabta illaa beri soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com