Sida ay shaaciyeen Booliska Sweden gaar ahaan qeybta Borlänge haweeney ku sugneyd xarunta socdaalka ee magaaladaasi ayaa isku dayday in ay is gubto oo ay nafta is dhaafiso.
Haweeneyda ayaa isku shubtay shidaal kadibna bilowday in ay dab isku gubto sida ku cad warbixinta booliska oo gaaray xaruunta laanta socdaalka ee Borlänge hase ahaatee waa laga gaaray.
Booliska oo gaaray goobta ayaa haweeneyda ka codsaday in aysan is gubin inkastoo ay ka madax adeygtay waxayna ugu dambeyn ku guuleysteen iney badbaadiyaan.
ka hor inta uusa booliska gaarin goobta telefashinka Dowlada SVT ayaa baahiyay jiritaanka warkan iyo in uu jiro qof doonaya in uu osgubo ama isdilo.
Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan oo ka mid aheyd qaxootiga magangelyo doonka ah loo diiday sharciga dalkaas, taasoo sababtay isku dayga la xiriira iney is disho.
Marka la eego xaalada sharciyada wadankaas ee laanta socdaalka mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin la xiriira dadka is dila kuwaasoo dareema xanuuno dhanka maskaxda oo ka dhasha sharciyada loo diido.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com