Masar ayaa ayaa isku dayaysa inay xoojiso awooddeeda diblumaasiyadeed iyo mid milateri ee ay ku leedahay Afrika, xilli ay sare u sii kacayso muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka ballaaran ee uu dalkaas ka dhisanayo Webiga Nile.
Ururka Juqraafi-yahanada Masar, ee la sameeyay 1875, ayaa waxay kaydiyeen dokumintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Waxaa dokumintiyadaas ka mid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika.
Ururka juquraafi-yahannada ayaa waxaa lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay, taasoo Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Itoobiya ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876. Arrintaas oo ku soo dhammaatay guuldarro bah-dilaad ah.
Masar iyo Suudaan ayaa waxa ay muranka biyo-xireenka geeyeen Golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay, iyagoo ka baaraandagaya suuragalnimada ah inay waxyeelayso nabadda iyo deganaanshiyaha gobolka.
Arrintaas ayaa waxaa hore loo geeyay Golaha Ammaanka, markaas oo dib loogu soo celiyay Midowga Afrika, kaas oo ku guuldarraystay inuu xal gaaro.
Qaahira iyo Khartuumba waxa ay arrintaas ku eedaynayaan Itoobiya, halka Addis Ababa ay Masar ku eedaynayso inay wadahadallada u adeegsanayso farsamo ay ku sii wadato siyaasaddeeda ay sida wax ku oolka ah ugu maamusho biyaha Masar – taas oo tixraac u ah saamiga libaaxa ee ay Masar ka hesho biyaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com