Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wejigii 1aad ee casriyeynta & Ballaarinta dekeda Berbera oo xariga laga jaray (Sawirro)

Waxaa maanta la daahfuray wejigii koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera, taasoo ay gacanta ku haysay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.

Waxaana xafladda furitaanka ka qaybgelaya wufuud kala duwan oo ka kala yimid, Itoobbiya, Imaaraadka, Kenya iyo meelo kale.

Dhanka Somaliland-na waxaa ka qeyb galay wefdi uu hoggaamimanyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa Wasiirka Maaliyada Itoobiya Cali Shido, Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, Madaxda shirkadda DP World.

Heshiiska dekedda Berbera ee DP World ayaa abuuray muran fara badan waagii la hirgelinayey.

‘Maanta waxaa magaalada Berbera ka dhacay xaflad aad u ballaadhan oo xadhigga lagaga jararyey wejigii koobaad ee ballaadhita dekedda Berbera, oo ah dekeddii hore oo lagu daray 400 mitir oo deked cusub ah” ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maamed Cali Bile.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka ee dawladda Federaalka Itoobaiya Axmed Shide iyo oo halkaas ka hadlay, ayaa ammaanay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo kaalinta ay ka qaadanayso fududaynta iyo horumarka ganacsiga dalka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya.

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey si gaar ah diirradda ugu saaray faa’iidada ay shacabka dawlad-deegaanku ka filayaan ballaadhinta marsada caalamiga ah ee Berbera iyo sida ay u xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya.

Guddoomiyaha, ahna maareeyaha guud ee shirkadda DP World, Mudane Axmed Suldan Bin Sulaymaan, ayaa isaguna ka sheekeeyey muhiimadda ay dekedda Berbera u leedahay gobolka, isagoo tilmaamay inay shirkad ahaan u hagar baxeen casriyeynteeda, islamarkaana ay u dhammaystireen wax kasta oo ay deked caalami ahi u baahan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey wufuudda caalamiga ah iyo saaxiibbada Somaliland ee kasoo qayb-galay furitaanka wejiga koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera, kuwaas oo isaga kala yimid daafaha adduunka.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ballaadhinta dekedda Berbera kor u qaadayso ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, isaga oo madaxda shirkadda DP World uga mahadnaqay sidii ay ugu dhabar-adaygeen culaysyadii la saaray,

“Hawsha inoo qabsoontay waxay kor u sii qaadaysaa horumarka dhaqaalaheenna, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo shaqo-abuurka, waxaana aan u mahadnaqayaa dawladda Imaaraadka Carabta oo ku dhiirratay inay Adduunka intaas le’eg geliso dalkeenna Somaliland, iyadoo waqtigaa ay dawlado badani ka hor yimaaddeen oo ay duufaanno colaadeed ku kiciyeen inaan dekedda la dhisi Karin, waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Suldaan oo ah maareeyaha DP World oo  u dhabar adaygay culays kasta iyo cadaadis kasta oo ku yimid,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo dalka Afganistan ka fulisay Weerar Aargoosi ah

Cabdi Cade

DEG DEG: Dowlada Somalia oo ka jawaabtay qodobadii ka soo baxay Midowga Afrika

Caydiid Ali

Bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho iyo Shacabka oo farriin loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---