Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhexmaray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.
Russia ayaa u yeertay safiirka Britain ee Moscow si ay ugu gudbiso digniin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, kadib markii markab dagaal uu ku xadgudbay wax uu Kremlin-ka ugu yeeray xuduuddeeda badda, hase yeeshee Britain iyo dunida inteeda kale ay u arkaan inay leedahay Ukraine.
Britain ayaa sheegtay in Russia ay baahineyso akhbaar aan sax aheyn waxayna dood ka keentay sida ay u dhigtay dhacdada,iyadoo sheegtay inaysan jirin wax rasaas digniin ah oo lagu soo riday iyo bambooyin lagu tuuray marinka markabka lagu magacabao HMS Defender.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa u yeertay safiirka Britain Deborah Bronnert si ay ugu gudbiso digniin adag, waxaana afhayeenka Wasaaradda Maria Zakharova ay London ku eedeysay been cad
“Waxaan rumeysannahay inay aheyd daan-daansi cad oo horey loo diyaraiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ka hadlay dhacdadan oo Moscow ay sheegtay in rasaas diginin ah ku furtay, bambooyinna ku qarxisay marinka markabka British-ka.
“Haddii mar kale ay dhacaan ficilladan aan la aqbali karin ee daan-daansiga ah, haddii ficilladaas ay noqdaan kuwa xadkoda dhaafa, ma jirto wax meesha laga saari doono marka ay noqoto difaaca xuduudaha Russia,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Peskov.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain Dominic Raab ayaa weriyayaasha ugu sheegay dalka Singapore oo uu booqasho ku joogo inaysan jirin rasaas lagu furay markabka HMS Defender.
Xigasho: VOA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com