Allbanaadir.com
NEWS

Natiijada Dacwada Badda Ma Saameyn Doontaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya?

Horumarka muuqda ee Ra’iisulwasaare Maxamed Xusein Rooble uu ka gaaray u diyaargarowga doorashooyinka ayaa tilmaam u ah in doorashada goor dhaw la gudogali doono.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maxkamadda ICJ ay soo saari doonto dhawaan go’aankii garta dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin taariikhda doorashada madaxweynaha dalka, haddana waxaa laga yaabaa in go’aankaas uu kusoo beegmo xilliga ololaha doorashada.

Haddaba, haddii natiijada dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya ay u iilato dhinaca Soomaaliya, ma laga yaabaa inay saamayn ku yeelato doorashada madaxweynaha?

Mucaardka Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xilliga go’aanka garta maxkamada ku soo beegmi karo, taasoo wiiqi karta fursadahooda guusha.

Dacwadda badda Soomaaliya iyo Biyo-xidheenka Itoobbiya ayaa ah turub (kaar) siyaasadeed oo ay ololaha doorashadda u isticmaalayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy Axmed.

Iskaashi Nugul

Musharraxiinta mucaaradka waxaa hormuud u ah madaxweyneyaashii hore, waxaana ku jira ra’iisulwasaareyaal iyo dad magac ku dhex leh bulshada, haddana ilaa hadda isbahaysigu kama dhex muuqato midnimo si kastaba ha u taalee.

Jiilaalkii dhawaa (2021) ayaa mucaaradka oo awooddooda isku biirsaday isku dayey inay Farmaajo ka eryaan madaxtooyada dalka doorasha la’aan. Balse riyadaas wey dhicisowday.

Farmaajo, walow dhibco ay ka lumeen siddeeddii biloodoo ee dambe, waxuu hadda (maanta) bulshada dhexdeeda ku leeyahay kalsooni weyn marka la barbardhigo kuwa la tartamaya. Intooda yar ee la loolami karta waxaa lugta ku dheggan dhaqanka isluggoonta ee ka dhexeeya musharrixiinta.

Waxaa adkaan doonto si looga guulaysto Farmaajo ilaa mucaaradka uu meel iska dhigo danta gaar. Dalalka Jabuuti, Kenya, Imaaraadka, iyo Midowga Yurub ayaa lagu xantaa inay u xaglinayaan in Farmaajo uusan dib ugu soo laaban Villa Somalia.

Saameynta Natiijada

Dhinca kale, Soomaaliya ayaa March 2021 soo gabaggabaysay garnaqsigeedii “doodda afka” ee dacwada badda, inkastoo Kenya ay go’aansatay inay qaaddacdo dheggeysiga dacwada.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka fursan waayay in August 2014 uu Maxkamadda ICJ horgeyo dacwad kaddib markii wadahadal quursi iyo qaddarin-darro ah  oo in mudda ah socday laysku mari waayey.

Ilo wargaleen ah ayaa sheegaya in Kenya ay kula gorgortantay Xasan Sheikh in Soomaaliya ay qaadato boqolkii toban (10%) wax alla wixii laga helo aaggaas, taas oo uu ku gacansayray.

Inkastoo Febraayo 2dii, 2017 Kenya ay ku guuldareysatay dacwadii hor u dhaca ahayd, haddana Xasan Sheikh oo guusha u isticmaalay ololihiisii dib-u-doorashada xafiiska waxbana kuma dheefin.

Kenya iyo shirkadaha shidaalka ENI Energy (Talyaani)  iyo Total (Faransiis) ayaa ku dadaalay in Xasan Sheikh uusan dib ugu soo laaban Villa Somalia balse, ma ogayn in Soomaaliya ay dooran doonto Farmaajo oo mawqifkiisa xagga badda uu ka sii mitidsan yahay.

Maanta waxay u muuqataa in Kenya ay dib u liqi doonto qorshaheeda isballaarinta. Warbaahinteeda ayaa bilaawday inay dalka u diyaariso guusha oo ka iilata. Halka siyaasiyiinta ay u sheegayaan muwaadiniintooda warar xaqiiqada ka fog, sida inay Soomaaliya ka heli doonaan ribix qaybsi lixaad leh (bar ka bar).

Haddaba haddii garta Maxkamadda ICJ u iilato dhanka Soomaaliya madaxweynaha xilka haya [Farmaajo] ma heli doonaa fursad kale oo uu dalka ku sii hoggaamiyo, mise mucaaradka aan mabda’  ku mideesneyn ayaa hoggaanka dalka qaban doono?

W/Q Cabdulqaadir Cariif iyo Burhan Rooble

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/36Eg4T-9l_E

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo Wadahadal la yeeshay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Maraykanka oo Mar kale cirka ka duqeeyey saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Mudug

Caydiid Ali

Akhriso : Saameyntii uu Siyaasada Soomaaliya ku lahaa Shariix Xasan Sheekh Aadan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---