Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iran oo sheegtay iney fashilisay weerar lagu qaaday barnaamijka Nukliyerka (Sawirro)

Iran ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay fashiliyeen weerar curyaamin ah oo lagu soo qaaday barnaamijka Nukliyeerka rayidka iyada oo aan bixin wax faahfaahin ah.

Nournews oo ah website la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa maanta ku warramay in weerarka la fashiliyey kahor inta uusan wax waxyeelo ah u gaysan dhismaha. Waxa uu intaas ku daray in kiiskan hadda baaritaan lagu wado.

Wakaaladda wararka Iran ee ISNA ayaa sheegtay in dhismaha uu ku yaallo meel u dhow magaalada Karaj, oo 40 km galbeed ka xigta caasimadda Tehran.

Website-ka wargeyska dowladda ay leedahay ee IRAN ayaa daabacay isla warbixintaas, isaga oo aan bixin faah-faahin iyo goobta weerarka.

Taleefishinka dowladda Iran ayaa sidoo kale warbixinta sii daayey in Subaxii Arbacada, howlgal curyaamin ah oo ka dhan ahaa mid ka mid ah dhismooyinka Ururka Tamarta Atoomika Iran la fashiliyey.

Warbixinta ayaa timid ka dib markii bilihii dhowaa weeraro curyaamin ah lala beegsaday xarumaha nukliyeerka Iran. kuwaasoo sababay waxyeello gaartay mashiinada kobciya uranium-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/efy__7pGtqc

Related posts

Sheekh Shariif oo garab istaag u muujiyay Rooble iyo tuhunka laga qabo oo korortay

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Cusmaan Aw-Max’uud Buurmadow (Sawirro)

Caydiid Ali

Dadka Shiinaha oo looga digay in ay taabtaan dadka Ajaaniibta iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---