Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Mareykanka oo hawada ka saartay Wabsetyo waa weyn oo laga leeyahay dalka ….

Dowlada Mareykanka ayaa hawada ka saartay Wabsetyo waa weyn oo laga leeyahay dalka Iran , Warbaahintan hawada laga saaray ayaana lagu eedeeyay in ay baahiyaan warar been abuur ah .

Websetyadan laga leeyahay dalka Iran ayaa hawada laga waayay shalay oo talaado ah ilaa hadana hawada ka maqan, waxaana bogaga hore ee websetyadaasi .lasoo dhigay astaamaha hey’adda sirdoonka FBI-da, iyo wasaaradda ganacsiga ee Mareykanka.

Baraha hawada laga saaray ee laga leeyahay dalka Iran ayaa waxaa kamid ah Alalamtv.net, Preestv iyo sidoo kale al-Masirah Tv, barahan ayaa ayaa si weyn u taageerayay Kacaanka Iran iyo kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Wasaaradda caddaaladda Mareykanka, ayaa shaacisay in ay la wareegtay 23 bar oo internet-ka ka hawl gala, kuwaasoo ay maamulaan television-nada iyo radio-yada ay leeyihiin jamhuuriyadda Islamic-ga ee dalka Iran.

Talaabadan dowlada Mareykanka hawada uga saartay barahan Intetnetka ee laga lahaa dalka Iran ayaa kusoo aadaya xili uu sii xumaaday xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Jamhuuriyada Islaamiga ee Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/efy__7pGtqc

Related posts

War Cusub: Donald Trump & Kim John Un oo markii ugu horeysay kulan fool ka fool ah yeelanaya

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo looga yeeray Xafiiska Ra’isul Wasaaraha

Cabdi Cade

Wafdigii uu horkacayey RW Khayre oo caawa gaaray Doha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---