Allbanaadir.com
NEWS

Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Dagaalyahano gacanta lagu dhigay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar xoogan kusoo qaaday bar koontarool oo ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa Haram Cad ka joogaan deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Iska hor imaad daqiiqado socday ayaa dhax maray ciidamada Haramcad iyo dagaalyahanada soo weeraray, waxaana dadka deegaanka sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

War kasoo baxay taliska ciidamada booliiska ee Haramcad ayaa lagu sheegay in ay iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayna khasaaro ku gaarsiiyeen.

Waxa ay sheegeen booliiska Haramcad in gacanta ku dhigeen sadex dagaalyahan oo katirsan dagaalyahanadii weerarka kusoo qaaday iyo gaari nuuciisu yahay Homy ay wateen kooxda weerarka kusoo qaaday.

Dagaalyahanada Al Shabaab weeraro ku qaada fariisimaha ciidamada dowlada ka joogaan duleedka magaalada Muqdisho, waxa ayna inta badan beegsadana ciidamada ilaaliya dhismaha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/efy__7pGtqc

Related posts

Saciid Ciise: “Doorasho qof iyo cod ah halista ugu weyn ee ay leedahay waxay tahay..”

Caydiid Ali

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo xariga ka jaray xarun Caafimaad (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo si kulul u beenisay Eedeyn culus oo uga timid maamulka Somaliland

Cabdi Cade