Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya doon ay saarnaayeen ku dhawaad 20 qof oo xalay rogmatay Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Shabeellaha hoose.
Doontan ayaa ku sii jeeday degmooyinka Janaale, Qoryooley, iyo degaano kale oo ay ka mid tahay Daanyeerey, waxayna shalay gelinkii dambe ka baxday degmada Afgooye.
Wararka ayaa sheegaya in doontan ay raashiin u siday nin ganacsade ah, ayna ku degtay degaanka Raqeyle oo ku dhaw Bariire.
Dadka degaanka ayaa sababta dadkan ay Doonta u raaceen ayaa waxay ku sheegeen in ay tahay wadooyinka gobolka oo qaarkood ay jareen ciidanka dowladda iyo Shabaab, bacdamaa halkaasi dhawr mar ay ka dhaceen weeraro.
Waxaa la sheegay in shilka qabsaday doontan oo loo sababeeyey culeys ka tan badan oo la saaray ay ku geeriyoodeen 7 ka mid ahaa 20 kii qof ee la socday oo kala ahaa Hooyo, afar caruur ah oo ay dhashay iyo laba qof oo kale.
Dadkii kale ee la socday doontaas ayaa la sheegay iney ku badbaadeen dabaal iyo ajashooda oo aan gelin, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu xumaa ee mudooyinkan ka dhaca webiga Shabelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com