Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabhadda TPLF oo ciidamada Itoobiya dib uga qabsaday Magaalo Istaraatiiji ah

Magaalooyin muhiim ah ayaa galey gacanta dagaal yahano isku magacaabay ciidamada Tigreega.

Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo hareeraha buuraha Tembien, dagaalyahano la baxay ciidamada Tigre, ayaa lasoo warinayaa iney la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi, sida ay sheegayaan ilo wareedyo iyo dadka deegaanka kusugan.

Magaalooyinka muhiimka ah ee lagala wareegay ciidamada Itoobiya  waxaa kamid ah Adigrat oo ah magaalo istaraatiijig ah, una jirta soohdinta Eritrea 45km.

Sida ay sheegayaan dagaalyahanada TPLF hareeraha magaalada Tembien oo ku taalla jihada waqooyi galbeed ee magaalada Mekelle, ayuu ka bilawday dagaalka June 18-kii.

Madaxa isgaarsiinta ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, Colonel Getnet, ayaa sheegay iney jireen hawlgallo mucayin ah, kuwaasoo lagu ugaarsanayey hoggaamiyeyaasha jabhadda TPLF hase ahaatee waa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo magaalooyinka dib looga qabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacag badan oo la dul dhigay Madaxa Injineerka Al Shabaab u sameeya qaraxyada

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo amaanay arrin ka dhacday Laascaanod, baaqna u diray Somaliland

Caydiid Ali

Kulanka Siyaasadda loo dhan yahay ee Xukuumadda iyo Saaxiibada caalamka oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---