Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heyadda NISA oo Muqdisho ku xanibtay Guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji Macalimu

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa sheegay in mas’uuliyiintii hore ee Gobolka Gedo oo isagu ka mid yahay ay dhibaato kala kulmayaan Hay’adda NISA

Cismaan Nuux Xaaji Macalimu ayaa Qoraal dheer oo uu soo saaray ku sheegay in Amniga dalka aan si rasmi ah loogu wareejin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana dhibaato xoogan ay hayadda NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka Aadan cade kuna socota gobolka Gedo sida uu yiri.

Ka Akhriso hoos Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimu.

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubbaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

BAAQ: RW Rooble waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee Garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka Aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdullaahi Kulane? Jawaab baan ka rabaa xafiiska Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Ku-xigeenkii hore ee NISA oo laga dhigay darajooyinkii ciidanimo, lana ruqseeyey

Caydiid Ali

Rooble oo Dhexda u Gallay Dabaakh Diblomaasiyadeedka u Dhaxeeya Farmaajo iyo Uhuru!

Cabdi Cade

Hub laga boobay xerada Imaaraadka oo lagu arkay Suuqyada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---