Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo fuliyey Mashruuc Indho fiiqis & Daweyn Bilaash ah

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar (Dalmar Specialist & Teaching Hospital) oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa boqolaal qof oo danyar ah u sameeyey indho fiiqis iyo daaweyn bilaash ah.

Aasaasaha iyo Maamulaha guud ee Isbitaalka Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in fulinta Mashruucan samafalka ah ay iska kaashadeen heyaddaha Al-Nur Foundation & Helping Hands and relief Organization.

“Dad gaaraya 500 oo danyar ah ayaa mashruucan samafalka ah ka faa’iideystay, kuwaasoo 100 ka mid ah loo fiiqay arraga halka 400 baqol ee kale loo sameeyey, baaritaan, daweyn bilaash, waxaana qaarkood la siiyey muraadayadaha arraga (Okiyaale)” ayuu yiri Dr Dalmar oo u mahad celiyey Dhamaan heyadaha ka qeyb qaatay taabo-gelinta Mashruucan iyo shaqaalaha Dalmar Specialist & Teaching Hospital

Mashruucan samafalka ah ayuu sheegay iney horey marar badan uga fuliyeen magaalada Muqdisho, gobolada Jubbooyinka, degaanada Koonfur galbeed, Gaalkacyo iyo meelo kale ayna ku rajo weyn yihiin iney gaarsiiyaan mustaqbalka degaano cusub.

Halkan Akhriso Warbixin aan horey uga diyaarinay Isbitaalka Dalmar

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u duceeyey Maamulka Isbitaalka Dalmar iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan.

Dhinaca kale, Aasaasaha iyo Maamulaha guud ee Isbitaalka Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in Isbitaalka  ay haatan diyaar ku yihiin dhaqaatiir iskugu jirta Soomaali iyo ajaaniib oo adeegsanaya qalab casri ah, kuwaasoo ku taqasusay:

-Ilkaha
-Indhaha
-Cunaha, Sanka iyo dhegaha
-daaweynta Guud
-Qaliinka & qaliinka (Labaroscopy)
-Haweenka dhalmada
-Caruurta
-Kelyo sifeynta

HOOS KA DAAWO VIDEO QEYBAHA ISBITAALKA

http://

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Ogeysiis Muhiim ah oo loo hayo Qurbo Joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Somalia ku yeesheen Muqdisho? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax miino oo goordhaw ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---