Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Dayniile oo la dilay & Mid ka mid ah raggii fuliyey oo..

Guddoomiyihii waaxda Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd oo fiidnimadii ah lagu dilay gudaha degmadaas.

ILAAHAY  ha u naxariistee Cabdi Cabdulle (Cabdi Juge) ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku fiidsanayey goob ku taalla agagaarka aargada laamiga dayniile sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Marxuumka oo rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirka ayaa isla goobtaas ku qurbaxay, waxaana goobta ka cararay raggii dilka geystay oo la rumeysan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Warar kale oo goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DF oo bar kontrol ku leh meel ku dhow aargada Dayniile ay ku guuleysteen iney soo qabtaan mid ka mid ah raggii geystay dilka oo dhaawac ah ka dib markii ay haleeshay rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada howlgalka ku jiray sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Dayniile

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceyn kala kulmay sawir uu la galay Col. Tuke

Caydiid Ali

Erdogan: “Waa in Israel lagula xisaabtamaa dembiyada dagaal ee ay geysatay”

Caydiid Ali

 Odayaal iyo Haween Xildhibaano doortay oo cafis loo fidiyay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---