Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Somalia C/qaadir Shiikh Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan waqti ka badan intii loogu talagalay askarta dowlada tababarka ugu dirtay dalka Eritrea
Waxaa uu sheegay in dowladdu ku fashilantay inay xaliso qaladaad badan oo sababay in askartan muddo badan ku xayirmaan dalka Eritrea, iyadoo xitaa uu tababarkii u dhamaaday
“Qaladaadka jira ee u baahan in wax laga qabto waxaa ka mid ah in dowladda Somalia bixin weysay lacago ay ballan qaaday taasoo keentay in askarta laga qaaday dalka rahan ahaan loo heysto inta laga bixinayo lacagtaas” ayuu yiri Baqdaadi.
Waxaa uu sheegay ineysan suuragal aheyn in askar tababar loo qaaday ay labo sano ka maqnaadaan dalka, sabab la’aan, wuxuuna xusay iney jiraan sababo kale oo dowladu qarineyso.
Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Somalia C/qaadir Shiikh Cali Baqdaadi ayaa xusay in rajo fiican laga qabo dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga uu magacaabay, uuna ku kalsoon yahay iney xal u heli doonto.
“Madaxda dalka waa inaysan ka been sheegin xaaladda ay ku sugan yihiin askarta maqan, maadaama waalidiintii dhalay ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah, dowlada xil baa ka saaran iney qanciso dadkeeda” ayuu Baqdaadi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/7w98z0vEwow