Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Deni & danjire C/fitaax C/hi Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii  horumarin lahaa  xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka.

Safiirka cusub ee Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan ayaa ka mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyey Garoowe, isagoo xusay in dowladiisu ay ku dedaaleyso xoojinta xiriirka Somalia.

Cabdifataax Cabdullaahi Xasan ayaa dhowaan loo magacaabay Safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacowday Soomaaliya, waxaana warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/7w98z0vEwow

Related posts

Waxgarad kasoo jeeda Murusade oo ka qeylo dhaamiyay Dhul boob lagu hayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Yaa Sharciga Ku Xadgudbay: Sheikh Shariif, Xasan Sheikh iyo Maxamed Farmaajo !?

Cabdi Cade

Muuse Biixi: “Qof aan wadan Passport-ka Somaliland ma tegi karo Somalia” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---