Allbanaadir.com
NEWS

Maktabada qaranka oo deeq buugaag ah ka gudoontay Maktabadda Qatar (Sawirro)

Munaasabad makatabada qaranka Soomaaliya loogu wareejinayay deeq buugaag ah oo katimid maktabada dalka Qatar ayaa manta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaaliya.

Xaflada wareejinta buugaagatan deeqda ah oo gaadhayay ilaa 4000 oo bug ayaa waxaa lagu qabtay xarunta maktabada qaranka ee Mgalaadda Muqdisho waxaana goobjoog ka ahaa wasiiradda wasaaradda waxbarashadd iyo warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, xubno ka socday dowladda Qatar oo uu hogaaminayay wasiirka wasaaradda waxbarshadda ee dowladda Qata, Agaasimaha maktabadda qaranka Soomaaliya, xildhibaano iyo bahda waxbarashadda dalka

Waxaa ugu horeyn goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Maktabada qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamad Axmad Shiil asaga oo sheegay in buugaagtan ay ahmiyadoodu tahay in qalinleyda Soomaaliyeed heelaan meel ay ka heli karaan buugaagta ay u baahanyihiin

Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Qadar Xassan bin Xamsa hasim ayaa sheegay in ay dowladda Qatar ay mar walba garab taagatanahay Soomaaliya islamarkaana deeqadan manta ah ay kaqeyb katahay garab istaaga Qatar ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Cusmaan Ibrahim Dubbe oo khudbad ka jeediyay munaasabada buugaagta lagu gudoonsiinayay maktabada qaranka ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay deeqda buugaagta ah ee maanta la gudoonsiiyay.
Ugu dambayn wasiirka wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Eng Cabdullahi Abukar Xaaji oo gudoomay deeqda buugaagta ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar deeqda buugaagta ah ee ay manta gudoomeen

https://youtu.be/7w98z0vEwow

Related posts

Xildhibaankii Muqdisho lagu rasaaseeyay oo dalbaday Baaris ka madax banaan Xukuumada (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Masuuliyiin Mareykan ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo safiir u magacowday Wasiir ku-xigeen ka soo goostay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---