Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Museveni oo xanibaadii ugu adkeyd ku soo rogay shacabka Ugandha (Sababta)

Madaxweynaha Uganda Yowreri Museveni ayaa soo saaray tallaabooyin cusub oo looga hortagayo Coronavirus oo ay ka mid tahay mamnuucidda dhammaan socodka gawaarida, marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah si ay gacan uga geystaan xakameynta mawjadda labaad ee COVID-19.

Waddanka bariga Afrika ayaa sida dalal kale oo Afrikaanka ah waxaa dul maray mowjaddii hore ee xanuunkan, waxaase si lama filaan ah si weyn kor ugu kacay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, kaddib markii masuuliyiinta dalkaas ay xaqiijiyeen inuu soo gaaray bishii hore nuuca xanuunka ka soo billowday India.

“Dalka waxaa la soo gudboonaaday koro ka sii daraya ee xanuunka faafa ee COVID-19” ayuu Museveni ku ku yiri khudbad telefishinka laga sii daayay.

Waxa uu sheegay in tirada maalinlaha ah ee dadka uu soo ridanayo xanuunkan ay kor ugu kacday 1,700, halka ay saddex todobaad kahor ay tiradani ka yareyd 100.

“Waxaan wajaheynaa dhimasho badan iyo bukaanno badan oo isbitaalada la dhigagay COVID-19 daraadiis, kuwaas oo isku jira da’ kasta” ayuu yiri madaxweyne Museveni.

Tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo aafadan, ayaa mamnuuceysa dhaqdhaqaaqa gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, marka laga reebo kuwa qaada bukaanada iyo kuwa ay u isticmaalaan shaqaalaha muhiimka ah sida kuwa caafimaadka.

Bandowgii hore u saarnaa Uganda oo billaaban jiray sagaalka fiidnimo ayaa sidoo kale la soo hormariyay, kaas oo hadda billaaban doonaa todobada fiidnimo, halka la xiri doono goobaha ganacsiga, kuwa cibaarada iyo garoomada ciyaaraha.

https://youtu.be/7w98z0vEwow

Related posts

Shirkad caan ka ah dunida oo shaacisay iney dacwad ku soo oogeyso Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Wasaarada Maaliyadda & Maamulka G/Banaadir oo lagu eedeeyey wax isdaba marin

Caydiid Ali

Mid kamid ah Dowlada Caalamka oo la sheegay in ay Basaasto Xogta Midowga Afrika

admin
Taboola Ads ---