Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Dhagax Dhigay Isbitaal weyn oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay Dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha.

Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Madaxda Hay’adda UNICEF iyo Injineerada dhisaya dhismaha cusub ee Isbitaalka guud ee Garoowe.

https://youtu.be/7w98z0vEwow

Related posts

Faahfaahin Weerarkii ka dhacay duleedka Balcad & Taliye caan ah oo ku dhaawacmay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Finland oo aad ula yaabay hadal kasoo yeeray Donald Trump

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Masjidka Ugu Weyn Galbeedka Afrika oo si qurux badan loo dhisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---