Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed kadib markii laga saaray xubno horey cabasho looga keenay.
Musharax Madaxweyne Cabdinaasir Cabdulle Maxamed ayaa si weyn uga hor yimid xubnaha guddiga doorashada uu ku dhawaaqay Rooble, Musharaxa ayaana ku tilmaamay in xubnaha guddiga aan loo soo xulin si cadaalad ah .
”Waxaan aad uga xunnahay oo cambaareynaynaa in Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan si caddaalad ah oo dhexdhexaad ah usoo xulin Guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyadoo soo xushay dad gaar ah oo laga leeyahay dano goonni ah oo gaaban.” ayuu yiri Musharax Cabdinaasir.
Murashada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble in uu ka run sheego ballanqaadkii uu hore u qaaday oo ahayd inuu dalka gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.
”Waxaan ugu baaqeynaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble in uu ka run sheego ballanqaadkii uu hore u qaaday ee ahayd inuu dalka gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay isaguna dhexdhexaad ka noqon doono doorashada, dib-udhaca doorasho ay arrintaasi sababto iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhasha waxaa masuuliyaddeeda qaadanaysa xukuumadda xilgaarsiinta.” ayuu yiri Murashaxa.
Ugu Dambeyn Musharax Cabdinaasir Cabdulle Maxamed ayaa sheegay in ay sugayaan doorasho xalaal ah oo loo wada simanyahay oo kooxo gaar ah iyo musharax goonni ah aan loogu danaynayn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com