Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday xarun Cusub oo loo dhisayo Hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland.
Xaruntan ayaa hada dhamaystirkeedu uu socdaa iyadoo heerar kala duwan soo martay.
Taliyaha Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland khaalid sheekh cabdulaahi ayaa Madaxweynaha kormeerkan ku weheliyay.
Waxay ku soo wareegeen qeybaha kala duwan ee xaruntaas, iyagoo warbixino ka dhegeystay shaqaalaha ka howlgala xaruntaas qaarkood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com