Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa laga helay Gabar yar oo 14-sano jir ah taasoo loo geystay kufsi wadareed iyo jir dil sida ay ku warameen xubno ka tirsan qoyskeeda.
Raggii kufsaday gabadhan ayaa 17kii bishan afduub kula kacay, iyagoo muddo labo cisho ah kufsi wadareen ugu geysanayey duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha
Jabriil Sheekh Maxamed oo Adeer ugu aadan gabadha ayaa sheegay in falka kufsiga ah ay ka qeyb qaateen qiyaastii 20 nin, lana qabtay 8 ka mid ah oo haatan ku xiran xarunta dembi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.
“Waxaa sidoo kale lagu daba jiraa 10 kale oo ka qeyb qaatay falka kufsiga iyo jirdilka ah ee loo geystay gabadha kuwaasoo laga garanayo degaanka, kuna maqan xaalad baxsad ah” ayuu yiri Jabriil Sheekh Maxamed oo intaas ku daray in gabadha haatan lagu dabiibayo goob caafimaad.
Gabadha hooyadeed ayaa sheegtay iney adeeg uga dirsatay xaafada, ka dibna la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay, ayna raadinayeen muddo labo cisho ah, iyadoo xustay in ugu dambeyn laga helay iyadoo taalla dhul duur ah, aadna u rafaadsan, waxayna dalbatay cadaalad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com