Rai’sul wasaarahii hore ee Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu gubay dokumiintiyo sir ahaa oo xafiiskiisa ku keydsanaa.
Matxafka ra’iisul wasaaraha Israa’iil waxaa burburiyey nin uu ku amray in falkaasi fuliyo, iyadoo la sheegay in Mr Netanyahu uu amray in la gubo dhammaan dukumiintiyada xafiiskiisa ka hor inta uusan xafiiska baneyn, iyadoo talaabadan ay dhalisay shaki badan.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in dukumintiyada dab la qabadsiiyay maalinkii ugu dambeyay ee uu xafiiska ka tagayay Mr. Netanyahu, saacado ka hor markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaaraha cusub ee Israel, Naphtali Bennett.
Sharciga Israa’iil ayaa mamnuucaya gubista ama burburin dukumiintiyada taas badalkeedana wuxuu qeexayaa in dukumiintiyada noocaas ah lagu keydiyo meel amni ah oo ka tirsan xafiiska rai’sul wasaraaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com