Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Garsoore horey loo saaray Cunaqabateyn oo loo doortay Madaxweynaha dalka Iran

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo shaqsiga ku guuleestay doorashada Madaxtinimo ee dalka Iran,hasa ahaatee waxaa hada lasii ogaaday musharaxa ku guuleestay doorashada ee helay codadka ugu badan.

Garsoore sare Ebrahim Raisi, ayaa ku guuleestay doorashadii ka dhacday dalka Iran, waxaana durba musharaxan ku guuleestay doorashada usii hambalyeeyay musharaxiintii xilkan kula tartameysay qaarkood.

Madaxweynihii hore ee dalka Iran Hassan Rouhani, ayaa ku guuldareestay in mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha, waxa uuna hambalyo horu dhac ah u diray Musharaxa kaga guuleestay doorashada oon wali la shaacin.

“Maadaama aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada, waxaan dib u dhigi doonaa hambalyada rasmiga ah, laakiin way iska caddahay cidda heshay codadka ugu badan ee doorashada,” ayuu yiri Hassa Rouhani.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Iran Ebrahim Raisi oo ah 60-sano jir garsoore sare kasoo ahaa maxkamadaha dalka Iran ayaa horey dowlada Mareykanka u saartay cunaqabateyn kadib markii ay ku eedeesay xadgudubyo iyo dilka maxaabiis siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sjaaciyay hadal dad badan layaabeen

Cabdi Cade

Wasiir George Magoha oo Raaligelin ka bixiyay hadalkii uu ku yiri Ruqiya Buulle !

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Go’aankii Doorashada looga wareejiyay Garbahaarey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---