Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qoorqoor oo Magacaabay Taliyaha amniga doorashooyinka & xasilinta Galmudug

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoor-qoor ayaa goor-dhow u magacaabey General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha xasilinta Galmudug iyo madaxa amniga doorashooyinka.

Jen. Mascuud oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada ee kooxdii ahlu sunna ayaa loo Magacaabay xilkaasi ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoor-qoor.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay xili maalmahan ay soo baxayeen warar la isla dhexmarayo oo sheegayay in xilkan loo magacaabi doono Jen. Saadaq Joon oo Dhuusamareeb gaaray Maalmo ka hor.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay, waxaana magaalada Dhuusamareeb lagu qaban doona doorashada kuraasta ugu adag ee Baarlamanka oo ay ku loolami doonaan siyaasiyiin miisaan culus oo kala tirsan mucaaradka iyo dowlada Nabad iyo Nolol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/1pbm7-20eQ8

Related posts

Shirkadda AIRBUS oo sameysay nooc cusub oo dayuurad rakaab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Somali Swedish u soo dagaalamay Al-Shabaab oo xabsiga ugu dhintay COVID-19

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Osama Bin Ladin oo hal sabab darteed looga tarxiilay dal Yurub kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---