Madaxweynihii hore ee dalka Zambia, Kenneth Kaunda, ayaa geeriyooday, isagoo da’diisu ahayd 97 sano jir.
Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii Afrika xilligii gumeysiga ay ka xorowday sanadihii lixdamaadkii ka dib.
Waxa uu Zambia ku hoggaamiyay madaxbannaani, taasoo ay ka qaadatay Britain sanadkii 1964 – Kenneth Kaunda wuxuu madax ka ahaa Zambia, ilaa markii doorasho looga guuleystay sanadkii 1991.
Kaunda waxa uu ka mid noqday madaxda fara ku tiriska ah ee Afrika ee xukunka isaga dagay kadib markii cod dimquraadi ah looga guuleystay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com