Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen cusub (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 17 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisiciid Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Godobjiraan.
  2. Waxaa Axmed Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/1pbm7-20eQ8

Related posts

Madaxweyne Deni oo xil sare u Magacaabay Jaamac Aadan X. Max’uud

Caydiid Ali

Haweeney isku tuurtay Wabiga Degmada Balcad iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wasiir Abshir Haruuse oo Saddex qodob kala hadlay Wasiirro kala duwan uu la kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---