Allbanaadir.com
NEWS

Cabdikariim Axmed Mooge oo loo doortay Duqa magaalada Hargeysa

Waxaa saakay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ka dhacday doorashada duqa magaalada Hargeysa iyo kuxigeenkiisa ay u tartamayeen musharaxiin kala taabacsanaa Xisbiyada Mucaaradka iyo muxaafidka.

Golaha Deegaanka Hargeysa ayaana u codeeyay in siyaasiga Cabdikariim Axmed Mooge uu dhalay fanaankii caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan noqdo Duqa cusub ee magaalada Hargeysa halka kuxigeenkiisa loo doortay Khadar Axmed Nuur.

Doorashada ka dhacday magaalada Hargeysa oo aheyd mid xamaasad leh ayaa codka loogu shubay Cabdikariin Axmed Mooge oo horey usoo noqday ninka helay codadka ugu badan doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday Somaliland.

Duqa cusub ee magaalada Hargeysa ayaa olole xoogan u galay sidii uu xilkaas u qaban lahaa, waxa uuna taageero badan ka heestay bulshada Hargeysa uu u balan qaaday in wax badan ka qaban doono magaalada Hadii duqa loo doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/3l7QHomlzcA

Related posts

Markab laga leeyahay Israiil oo gacanta u galay burcad badeed Soomaali ah

Caydiid Ali

DEG DEG: Duqeyn culus oo ka dhacday Jilib & Warar hordhac ah oo laga helayo

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo amar ku soo rogtay heyadaha degan xarunta Xalane (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---