Munaasabad balaaran oo ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa kooxda Al Shabaab kusoo bandhigeen manhaj cusub oo waxbarasho oo lagu dhigi doono iskuulada kuyaala deegaanada Al Shabaab ka taliyaan.
Manhajkan cusub ee Al Shabaab soo bandhigeen oo ahaa midka Dugsiga dhaxe ayaa waxaa soo diyaariyay maktabka tarbiyada iyo Tacliinta sare ee Al Shabaab, waxaana manhajkan uu ka duwan yahay midka Iskuulada kale ee dalka kuyaala laga dhigo.
Masuuliyiin sar sare oo katirsan Al Shabaab, Saraakiil iyo waalidiin ayaa kasoo qeyb galay munaasabada lagu soo bandhigayay Manhajka cusub ee waxbarashada dugsiga Dhaxe ee Al Shabaab soo bandhigeen.
Iskuulada dalka kuyaala ayaa inta badan laga dhigaa Manhaj waxbarasho ay soo saartay dowlada , hasa ahaatee deegaanada Al Shabaab maamulaan ayaa hada kadib laga hirgalinayaa manhajkan cusub waxbarashada ee soo saareen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/3l7QHomlzcA