Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxkamad ku taalla Sacuudiga oo xukun daldalaad ah ku riday Wiil 17 sano jir ah

Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa ku xukuntay daldalaad wiil 17 sano jir ah, kaasoo lagu eedeeyey inuu abaabuley isku soo bax ka dhan ah Boqortooyada.

Dowladda ayaa sheegay kal hore iney joojisay xukunada dadka loo dilo waxyaabaha yar yar. Laakiin 17 sano jirkan ayaa lagu xukumay in la dilo, ficillo uu ku kacay awgeed.

Mustafa Hashim al-Darwish, ayaa lagu xukumay xukun dil ah, ka gadaal markii loo xirey inuu ku lug lahaa dibad bax dhacey shan sano kahor

Madaxda Sacuudiga ayaa ku eedeeyey inuu abuurey koox argagaxiso ah, iyo isku day kacdoon hubeysan oo xukunka jira lagala horyimaado.

Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa ka dalbadey dowladda Sacuudiga iney ka noqoto go’aanka xukunka dilka ah ee la gaarey.

Al-Darwish, oo ah 26 sano jir, ayaa lagu qasbay inuu qirto danbiyada loo heysto, sida ay sheegtay Amnesty Internetnational hase ahaatee sacuudiga ayaan ka jawaabin dalabkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/NMVkaW39Is0

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo u digay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo ku raad joogta shaqsiyad ku howlan arrin halis ah

Caydiid Ali

Deni oo Salaada ciida kala qeyb galay qaar ka tirsan shacabka Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---