Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo Booqasho ku tagay magaalada Shusha iyo dowlad ka carootay (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa booqasho labo maalin ah ku tagay dalka Azarbijaan, waxa uuna Erdogan kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ilhaam Caliyeef.

Erdogan iyo Madaxweynaha dalka Azarbajaan ayaana booqasho ku tagay magaalladda Shusha ee Gobalka Nagorno Karabaakh ,halkaas ay dib ula wareegeen ciidamada Azarbajaan kadib dagaal ay la galeen ciidamada dalka Armeniya sanadkii hore.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyey oo Shisheeye ah oo booqasho ku taga magaalladda Shusha, tan iyo markii ay Ciiddanka Azerbajaan dib u qabsadeen bishii november ee sanadkii hore 2020.

Erdogan ayaana ku amaanay ciidamada Azarbajaan geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay ula wareegeen magaalada Shusha, waxa uuna balan qaaday Madaxweynaha in magaaladan ka furan doonaan qunsuliyad.

Dowladda Armeniya ayaa si kulul u cambaaraysay booqashada uu Madaxweyne Erdogan ku tegay magaalladda Shusha, iyagoo tilmaamay Ficilo Daandaansi ah oo wax loogu dhimayo Dadaalka Caalamiga sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Mandiqada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/9tsLCYZuY54

Related posts

(Sawirro) RW Xamse & Masuuliyiin kale oo la afuray bulshada degmada Kaxda

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Taliska Boliska DF oo yeeshay shir looga hadlay qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali

Gudigii Baaritaanka dilka taliyihii Booliska G/Hiiraan oo warbixin hordhac ah soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---