Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney loo heesto dilka Najmo Cabdullahi Macallin oo la xiray Maxkamadna lasoo taagayo

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa howlgal balaaran iyo baadi goob ay sameeyeen kusoo qabtay Faisa Cali Xasan oo ku eedeysan dilka Najmo Cabdullahi Macallin oo dhawaan meydkeeda laga helay Magaalada Mombasa.

Haweeneydan ay booliiska Kenya xireen ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeesay dilka Najmo Cabdullaahi oo meydkeeda magaalada Mombasa laga helay, waxaana la sheegay in haweeneydan aheyd qofkii ugu dambeeyay ee la arka  oo la socda Najmo.

Ciidamada booliiska magaalada Mombasa gaar ahaan kuwa dambi baarista ayaa maxkamada ka codsaday in 14-cisho xabsiga lagu sii hayo Faa’isa Cali si baaritaanada kiiskan usoo dhameestiraan una soo saaraan xaqiiqada.

Faa’isa Cali Xasan ayaa ka baxsatay magaalada Mombasa markii ogaatay in ciidamada booliiska baadigoobayaan, waxaana haweeneydan ciidamada kasoo qabteen magaalada Eldoret iyada oo baxsad ku jirta.

Qareenka u doodaya gabadha la dilay ayaa sheegay in muhiim tahay in booliiska la siiyo fursad dheeraad ah ay ku sameeyaan baaritaan, waxa uuna dalbaday in cadaalad helaan ehelada gabadhooda la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/9tsLCYZuY54

Related posts

Madaxweyne Deni oo ku baaqay in aan lagu deg degin Arrinta Shidaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Shirkii u socday Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo Maalintii labaad galay

Caydiid Ali

Madaafiic caawa lagu weeraray garoonka Stadium Muqdisho oo galabta dib loo furay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---